Heshiis Lagu Gaaray Wada-hadalladii Addis Ababa Uga Socday Dowladda Federaalka Iyo Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

11_AddisAbebaAddis Ababa (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in xalay lagu soo gagabeeyay halkaa shir maalmihii ugu dambeeyay uga socday wakiillo ka kala tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Kulanka a oo ahaa mid looga wada hadlayay sidii aragti mideysan looga qaadan lahaa maamulidda gobllada Jubbooyinka ayaa ergada labada dhinac kulan muddo qaatay kaddib waxa ay isla meel dhigeen qodobbadii kulanka lagu soo bandhigay.

Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ah safiira dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in wada hadallada oo socday muddo kaddib ay ku soo dhammaadeen is afgarad.

Waxaa ay wararku sheegayan in qodobadii ugu adkaa shirka laga gudbay islamarkanaa leysla meel dhigay, sida maamulida dekeda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo waliba magaca Jubbaland oo uu muran badan ka taagnaa.

Shirka ayaa waxaa si weyn u taageersanaa waddamada jaarka la ah Soomaaliya gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Addis Ababa lagu qabto munaasabad lagu shaacin doono qodobada leysku afgartay wada hadallada iyadoo halkaa lagu saxiixi doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com