Fiqi ”Dowlada Waxaa Ka Go’an In Muhiimadda Ugu Weyn Ay Siiso Ciidamada”

0

Wasiirka-DifaacaMuqdisho(AGGM) Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadday iney hirgelisay mushaar kordhin ay dhowaan ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka taasi oo si gaar ah u quseeysay mushaar kordhin loo sameeyay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi wasiirka wasaarada Gaashaandhigga oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ka go’antahay iney ahmiyad gaar ah siiso ciidamada qalabka sida si sare loogu qaado muraalkooda islamarkaana ay mushaaraadkooda bixindoonto bil kasta.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in xukuumaddu ay kordhisay mushaaradka ciidamada XDS kadib markii uu baarlamanku ansixiyay mushaarkordhintaasi, isagoo tilmaamay in ay ciidamadu si joogta ah oon kala go’ laheyn u helidoonaan mushaaraadkooda.

C/xakiin Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in dowladu markaan ay diyaar u tahay meel marinta wax kasta oo lagu horumarinayo ciidamada XDS hadey ahaan laheyn dhinaca tababarka baahidooda aas’aasiga ah iyo xuquuqdoodaba.

‘’Dowlada Federaalka waxaa ka go’an in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay siiso muhiimada ugu weyn iyadoo meel u dhigeysa xuquuqda ay wadanka ku leeyihiin waxeyna mushaarooyinka ay dowladu hadda u kordhisay 100% waxaa kaloo dowladu u kordhisay lacagtii raashin ahaan ay u qaadan jireen  oo iyadana 100% loo kordhiyay’’ Sidaasi waxaa yiri wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in bilihii ugu dambeeyay ay ciidamadu si joogta ah u qaadanayeen mushaaraad iyo raashin taasina waxa ay ka tarjumeysaa siyaasada dowlada oo ah in ciidamada la siiyo ahmiyada ay leeyihiin islamarkaana sare loo qaado muraalka ciidamada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com