Muqdisho(AGGM) Saraakisha ciidamada dawlada ee gobolka Bay oo saxafada la hadlay ayaa shaaciyey inay maalmaha soo socda weeraro culus ku qaadayan degaano ay maamulaan Xarakada Alshabaab,waxaana saraakishaasi shaaciyeen inay dagaal kula wareegi doonaan degaano ay hadda Shabaabku maamulaan oo gobolkaasi ka tirsan.
Ibraahiim Maxamed Nuur oo ah gudoomiyaha degmada Diinsoor ee dawlada federaalka ah ayaa sheegay in dhawaan ciidamada dawladu ay la wareegi doonaan degmada Diinsoor oo ka maqan gacanta dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana uu shaaciyey inuusan ku ekaan doonin Degmada Diinsoor kaliya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Sidoo kale Waxaa uu sheegay in ciidamada dawladu hadda diyaar garowgii ugu adkaa ugu jirana inay degaanada ay kaga sugan yihiin Alshabaab gobolka Bay ay ka saraan,waxaana uu sheegay in ciidamada dawladda hadda qalabkooda mileteri yahay mid u dhameystiran isla markaasna u diyaar yihiin inay hantaan dhulka ka maqan gacantooda.
Ugu dambeyntii Masuulkan waxaa uu sheegay in Alshabaab dhibaato xoogan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu daboolka ka qaaday in ciidamada dawladu u diyaar garoobeen inay xoreyaan shacabka gacanta kugu jira Alshabaab isla markaasna dhibaatada ay ku hayaan.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-WAREYSI-GUDOOMIYAHA-DEGMADA-DIINSOOR-EE-GOBOLKA-BAAY-IBRAAHIM-MAXAMED-NUUR-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com