Ciidamada Kenya Oo Howlgalo Ammniga Lagu Sugayo Ka Wada Magaalada Kismaayo.

0

kenya-in-somaliaKismaayo (AGGM): Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa lagu waramayaa in uu ka socdo howlgalo baxaad leh oo ay halkaa ka wadaan ciidamada Kiinya oo gacan ka hellaya maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

Howlgalka waxa uu ka socdaa xaafadaha, iyada oo hakad la galiyay isu socodka gaadiidka dad-weynaha, waxaana xiran goobaha ganacsiga iyo dugsiyada waxbarashada ee magaalada Kismaayo.

Maxamuud Qaalib, oo ka mid ah horjoogeyaasha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in u jeeddada howlgalku uu yahay baaritaan hub sharci darro ah oo la sheegay in la soo galiyay magaalada.

Ma jiraan wax hub ah oo ilaa hadda ay soo qabteen ciidamada Kiinya iyo maleeshiyaadka horgalka ah ee howlgalka sameeyay, sidoo kalana ma jiro wax war ah oo howlgalka ku saabsan oo ay soo saareen saraakiisha ciidamada Kiinya  ee howlgalkan ka wada qeyb-qaadanaya.

Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ka dhacayay falal isugu jiray qaraxyo iyo waliba dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan oo aan la garaneynin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com