Saacid: Maanta Waxaan U Aqoonsaday Maalinta Xaquuqul Isaanka Soomaaliya

0

Dr-SaacidMuqdisho(AGGM) Kulankan maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo bandhigayey geedi socodka qariirradda Ilaalinta Xuquuqul Insaanka, iyadoo sidoo kalena maanta loo aqoonsaday maalinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha golaha Wasiirrada, Mudaneyaal ka tirsan Barlamaanka, khabiirka madaxa bannaan ee la socodka Xuquuqda aadanaha Soomaaliya Dr Shamsul-Baari, Saraakiil kale oo dowladda ka tirsan  iyo Ururrada Bulshada Rayidka.

Kulanka qeybtiisa hore ayuu sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Geneva Yuusuf Maxamed Barbari, in dowladda ay geedi socodkan ka shaqeyneysay ilaa sannadkii 2011-kii, sagaalkii bilood ee la soo dhaafayna si rasmi ah loogu guuleystay diyaarinta qariirrad dhammeystiran.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaana lagu wareejiyey qariirraddii laga diyaariyey sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda Aadaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo khabiirka madaxa bannaan ee u xilsaaran arrimaha horumarinta Xuquuqda Aadaha Soomaaliya Dr Dhamsul Baari ayaa wadajir ula hadlay Warbaahinta.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in kulankii maanta xoogga lagu saaray halka uu marayo Geeddi socodkan qariirraddii loo diyaariyey iyo sida dowladda Soomaaliya ay uga shaqeysay arrimaha Xuquuqul Insaanka.

“Waxaannu kaga hadalnay arrimaha xaquuqul insaanka, gaar ahaan waxaan xooga saarnay wixii ka dambeeyay 2010-, sagaaalkii wixii ka qabanay qaxiijinta iyo ilaalinta xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya, waxaana meel fiican saarnay in aan hirgelino sharciga ah in shan beel wax lagu qaato, oo aysan jirin in dad la midab takooro” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa tilmaamay in qariirrada Geedi socodka xuquuqda Aadanaha in latashi lagala sameeyey dhammaan Bulshada Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyey in qariirradan lagu howlgali doono ilaa 2013-ka, waxaana uu ammaan u jeediyey beesha caalamka sida ay arrintaasi u taageertay.

Dhinaca kale Khabiirka dhinaca Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Dr. Shamsul Baari ayaa sheegay cabashooyinkii xadgudubka ku ahaa Xuquuqda Aadaha qeyb ka mid ah, Soomaaliyana muddo sannado kadib ay hiirgsaneyso qariirad caalami ah.

Todobaadkii hore ayaa Kulan ballaaran sidan oo kale xafiiska Ra’iisul wasaaraha ay ugu soo bandhiggeen Guddi ay Xukuumadda u saartay dabagalka xadgudubyada ka dhanka ah beni’aadamka sida Kufsi iyo Dialalka Waiyeyaasha, dhinaca kalena Soomaaliya ayaa xarunta Q.M ee Xuquuqul Insaanka Geneva waxa ay uga qeyb gali doontaa Imtixaankii labaad ee Xuquuqda Aadaha, si tallooyin kale loogu soo jeediyo Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com