QM Oo Ka Hadashay Rajada Ay Ka Qabto Is Leeysku Afgarto Wada Hadallada Ka Socda Addis Ababa.

0

Nicholas-Kay.Addis Ababa (AGGM): QM ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadashay rajada ay ka qabto wada hadallada magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga soconaya wafuuda ka kala socta dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa uu sheegay in rajo badan ay ka qabaan miro dhalka wada hadallada u soconaya dowladda Jubbaland, isaga oo sheegay in wax lagu farxo tahay in wada hadal lagu dhameeyo khilaaf kasta oo siyaasadeed.

”Kulanka Addis Ababa waxaan u aragnaa talaabo loo qaaday dhinaca dib-u-hishiisiita, QM mar walba waa ay taageersan tahay in wax kasta oo jira leysku dayo in wada hadal lagu dhameeyo,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Kulanka magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray ergada dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa waxaa qeyb ka ah oo dhax-dhaaxdinaya urur gobolleedka IGAD, dowladda Itoobiya ee martida loo yahay iyo waliba xubno ka socda midowgga Yurub iyo QM.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dhinacyada ku wada hadllaya Addis Ababa in aysan kala tagi iyaga oo aan is afgarad ka gaarin farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com