Dhageyso: Maamulka Somaliland Oo Digniin U Diray Puntland Ka Dib Soo Galitaankii Taleex.

0

Warancadde4Oog (AGGM): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay magaaladda Oog ee Gobolka Sool ayaa digniin u diray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaanu faray in uu dib ugu laabto Garoowe Haddii kale Somaliland aanay u dul qaadan doonin joogitaankiisa.

“waa xad gudub qayru sharci ah oo uu ku soo xad gudbay xuduuda Somaliland ninka sheeganaya madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, arintaas  waxaanu u aragnaa mid khatar ku ah nabad galyada u dhaxaysa dawlada Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland”

Wasiirk arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “waxaanu u sheegaynaa madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland arintaasi inay tahay mid khatar ah, caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa in wixii halkaas ka yimaada  ay dusha ku qaadan doonaan ninkaas soo xad gudbay iyo ciidamada uu wato, waxaanu imika heegan galinay ciidamada Somaliland wixii halkaas ka yimaadana waxa masuul ka ah ninkaas ku soo xadgudbay xuduuda Somaliland” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade.

Ma cada in Xukuumadda Somaliland ilaa hada talaabo qaaday, hase yeeshee Ciidanka Somaliland waxa ay mar walba heegan ugu jireen in ay ka jawaabaan talaabadan oo kale maadaama aanay Somaliland ku gar-daroonayna marba jaararkeeda.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Farroole ayaa dhawr jeer ku tiraabay in wadahadal u socdo Somaliland, balse talaabadan uu ku joogo maamulkiisu Taleex waxay noqonaysaa mid ka baxsan wadahadaladu dhinaca Amaanka ee ay labada dhinac ka wada shaqayn jireen.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_003.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com