Falaagada Al Shabaab Oo Ka Hadashay Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Jubbooyinka.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka falaagada Al Shabaab Cali Max’uud Ragge ”Cali Dheere” oo warbaahinta afka falaagada  ku hadasha wareysi siinayay ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka jira arrimaha Jubbooyinka yihiin kuwo salka ku haya boobka sida uu hadalka u dhigay kheyraadka dalka.

“Muranka ka taagan magaalada Kismaayo waa salka ku haya sidii hantida dalka lagu boobi lahaa, waxaana murankan uu u dhexeeyo waa dalalka dariska la ah Soomaaliya, taas ayaana gun-dhig u ah dagaalka lagula jiro Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay Cali Dheere in bulshada Soomaaliyeed fahansan tahay dagaalka ka socda dalka iyo asalka dagaalka waxaa uu yahay, isaga oo sheegay in leysku hayo oo kaliya difaaca Dinta iyo Kheyraadka dalka oo ay ku soo duuleen sida uu hadalka u dhigay dowladdo iyo hay’addo isa soo baheystay.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in Al-shabaab sababtii looga saaray Kismaayo ay tahay inay ka hortagayso in khayraadka halkaas yaalla si fudud lagu gurto, taas awgeedna laga saaray magaaladaas si khayraadka dalka loo gurto.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa ku soo beegamaya xili magaalada Addis Ababa ay ka soconayaa wadahadalo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ku saleysan dhismaha maamulka Jubbbaland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com