Cajiib: Dad Isku Qabsaday Wiil Yar Oo Lagu Kala Saaray DNA

0

DNAGalkacayo(AGGM) Goor galab ah, taariikhdu markay ahayd 28/1/2013 ayaa dabley hubeysan waxay soo weerartay guri ku yaala xaafada garsoor ee Galkacyo, kadibna waxay xoog ku kaxaysteen wiil yar oo afar sano jir ah. Dablaydan markii wiilka ay afduubteen waxay jir dil u geystaan hooyadii wiilka dhashay oo lagu magacaabo Deeqo Cumar Maxamed. Waatan wiilka la afdhuubtay hooyadii oo nooga waramaysa sida wax u dhaceeen.

Darbiga guriga ay niman hubaysan ka soo daateen, kadibna wiilka ayaa mid kamid ah gacanta ku dhigay, waana kadaba booday oo wiilka ku qabsaday, laakiin darbaaxo iyo hantaatuqeyn ayay iigu jawaabeen.

Dablaydii waxay la baxsadeen wiilkii oo meel ay la aadeen lama oga. Intaa kadib wiilka waalidkiis waxay isku dayeen in ay aqoonsadaan haybta dablayda. Waxaana u cadaadatay in ay yihiin jifiyada Galkacyo degan mid ka mid. Eheladii wiilka la dhacay, waxay ergo ugu tageen odayaashii iyo waxgaradkii dableyda.

Odayaashii qolada wiilka dhacday oo ergooyin isdaba jooga dhowr gogol uga codsadeen in ay wiilka dib gacantooda ugu soo celiyaan, wixii dood qabana ay shareecada islaamka ku kala baxaan, ayaa isku dayey in ay wiilka ka soo celiyaan dableydii afduubay. Laakin kuma aysan guuleysan.

Eheladii wiilka la afdhuubay waxay warar hoose ku heleen in wiilka lagu hayo degaanka Somalia Ethiopia, gaar ahaan agaarka degmada Bookh. Ehelkii wiilka la afduubay waxay dacwad geeyeen degmada Bookh ee ismaamulka soomalida ee Ethiopia. Halkaan oo maxkamadu ay kiiska ka furtay.

Maxkamada Degmada Bookh waxay amartay in wiilka iyo cidii afduubka ku haysatay ay soo hor istaagaan Maxkamada horteeda, halkaasna ay ka sheegtaan wixii dacwad ay qabaan.

Booliska degmada bookh iyo maxkamada oo wadashaqaynayna waxay ku guuleysteen in ay wiilkii iyo cidii haysatay maxkamada horkeenaan.

Waxaa furantay dacwadakii maxkamada waxayna sheegteen qoladii wiilka afduubtay in ay wiilka ayagu dhaleen sidaa darteedna ay u afduubteen. Qoladii kale oo wiilka laga soo dhacayna waxay sheegatay in ay ayagu dhaleen.

Qoladii wiilka soo dhacday waxay qabseen qareen u dooda oo wiilka usoo dhiciya, halkan qoladii wiillka laga soo dhacay ay go’aansadeen in aysan qareen qabsan ee ayagu ay doodooda dhiibtaan. Intaa kadib, markii maxkamadu ay dhagaysatay doodaha labada dhinac, markii ay aragtay cadaymaha, waxay go’aansatayay in dhaar lagu kala saaro labada qolo ee wiilka isku haysta.

Labadii qolaba waxay dhaar xaf ku siiyeen in ay wiilkaas ayagu ay dhaleen oo qolada kalena ay been ku dhaaratay. Arintu makrii aan halkaas marayso. Maxkamadu waxay u baahatay in ay cadaymo dheeraad ah hesho, si ay dadkaas u kala saarto, oo arintaasna xal waara loo helo. Maxkamada waxay la tashatay dowlada dhexe ee Ethoiopia iyo tan kilinta 5aad ee somaalida iyo maxkamadaha ka sareeya. Waxay go’aansadeen in DNA Lagu kala saaro.

DNA muxuu yahay?

DNA waa walax ama shayga uu ka samaysanyahay ubu’da shay walba. Shay kasta wuxuu leeyahay unkan ama meel uu unuga ugu yar jirka bini-aadamka uu ka soo unkamay. Sida wax kasta oo nool, sida geedaha, xayawaan ama dadka. Qofkasta jirkiisa 50% wuxuu ka yimid aabihiis, 50% kalena hooyadiis. Sidaa darteed, 50% jirkaga kamid ah waxaa kala mid tahay aabahaa ama hooyadaa. Sida indhahaaga sida ay u ekaanayaan, timahaaga midabka ay yeelan doonaan iwm.

Maxkamadii degmada Bookh waxay u ugudbisay labadii aabe iyo wiilkii Maxkamada Doolo ee degmada Wardheer. Markii ay Maxkamada Wardheer akhrisay faylkii ayay gudagashay arintii DNA-da. Halkaan ayaa waxaa yimid takhdar, kaasoo ka yimid Addis, oo diyaarada keentay ay kharashkeeda bixisay Hay’ada MSF xafiiskeeda Wardheer oo ay arintaa Maxkamadu ka codsatay. Maxkamadii waxay meel fagaare ah kaga qaadhay dhiig labadii nin ee wiilka isku haystay iyo wiilkii. Waxaa kaloo goob joog ka ahaa meshaas dhiiga lagu qaaday dhamaan hay’adaha dowlada, kuwa ambiga, ciidaanka, booliska, Gudoomiyaha Gobolka, iyo dhamaan garsoorka maxkamada Gobolka Doolo.

Waxaa intaa dheer in Maxkamda Ethiopia ay ka saxiixday nabadoona labada aabe iyo jifiyahooda in wixii ka soo baxa baariitaanka dhiiga cid walba ay ku qanci doonto cidii guulaysta iyo cidii wax wayda intaba.
Fagaarahaas weyn ee dadkoo dhan wada arkayaan ayaa dhiig lagaga qaaday labadii nin iyo wiilkii. Dhiigaas waxaa loo qaaday Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa. Dhakhaatiirkii dhiiga qaaday waxay sheegeen in jawaabta keeni doonaan 18 cisho gudahood.
Jawaabtii la sugayey ayaa timid, Maxkamadu waxay isugu yeertay wax garadkii iyo dadkii doodu ka dhexeysay, waxayna soo bandhigtay jawaabtii lasugayey. Waxaa Maxkamadu cadaynay in Cali Daahir Cismaan Yusuf uu dhalay wiilkaas.

Qaadigii wuxuu sheegay in wiilka uu dhalay Cali Daahir Cismaan Yusuf, ninka kale ee ku doodayeyna uusan dhalin. Waxayna ku xaqiijiyeen sida ku cad warqada DNA ka in Cali daahir Cismaan iyo wiilkan ay iska mid ka yihiin 36 xubnood (Celis) oo jirkiisa ka mida. Waxaa ka mida xubnahaas kuwan.

1- Wadnaha
2- Beerka
3- Kalyaha
4- Indhaha
5- Maqaarka
6- Dhiiga (blood celis)
7- Timaha iyo xubno kale

Waxaa goobtaas ka bilowday qudbado ay soo jeedinayaan mas’uuliyiinta meesha timid qaybahooda kala duwan. Waxaa kaloo goobtaas laga sheegay in kiiskaan ciidii u baahada macmuulaadkiisa ama dood qabta, in maxkamdu ay faylkiisa hayn doonto mudo sanad ah.

Haddaba, halkaan waxaa kusoo dhamaaday maxkamadii wiilka la isku haystay oo cadaatay in labada qolo midkood uu xaq daro ku socday.

Waxaa xusid mudan dhowr qodob:

1- Qoladii wiilka soo dhacaday oo afduubka sameeyey xaq daro ay ku socdeen.
2- Dhaartii ay mareen qoladii wiil soo dhacday, baadil iyo xaq daro oo ay kitaabtii Alle ku badasheen.
3- Waxay horey u diidaan in shareecada Islamka lagu kala saaro oo ay ku qancaan.

Intaa kadib, taariikhdu markay ahayd 19/8/2013, Goor galab gaab ah, Cali Daahir iyo laba wiil oo maraya barxada gobolka magaalada Galkacyo, ama huteel kamaal, ayaa waxaa laba baabuur oo yar yar ah ka soo daatay 9 nin oo hubaysann. Nimankaasi waxay bilaabaan in ay raasaas aad u farabadan ridaan oo ay oo ay dadkii aaga ka ag dhawaa iska cayrinayeen si aan fursad ugu helaan hadafkooda oo ahaa Cali Daahir Cismaan.

Cali Daahir Aabaha Wiilka Dhalay

Weerarkii Cali daahir lagu soo qaaday kadib, waxaa Cali daahir usuurto gashay in ay gacanta ku dhigo mid kamida ragii huseynaa oo xabada iskaga dhigo. Waxay isku dayeen in ay Cali daahir iyo ninka uu haysaba gaari ku ritaan. Laakin, waa u suurtoobi wayday. Mar kasta oo ay isku dayaan in ay xabad soo suuraan wuxuu iska dhigayey ninka uu hayto. Markii xaalku halkaa marayo, waxaa falkaas ka xumaaday dadkii ka agdhawaa oo dablaydii rasaas kale ugu jawaabay.
Kadibna dablaydii way ka baxsadeen goobtii.

Dadkii meesha ka agdhawaa ayaa Cali Daahir oo miyir daboolmay ula orday isbitaalka, waxaa la jiifiyey qaybta xaalada deg dega ah asgaoo miyir la.

Dhibane Cali Dahir Cisman Yusuf waxaa soo gaaray dhaawacyo, sida gacanta bidix iyo midig, madaxa, feeraha, gacmaha, garabta midix iyo lugaha.

Waxaa xusid mudan in danlayashii dhibtaas geystay wax tilaabo aan laga qaadin, gaar ahaan taliska booliska, maamulka gobolka mudug, iyo waliba wax garadkii beesha danbiilayaasha.

W/Q:- C/raxmaan

Xigasho : Wargeyska Illeys ee Puntland kasoo baxa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com