Mombasa (AGGM): Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada Mombasa ayada oo maalinta berito ah lagu wado in madaxwayne dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu furo show-ga ama bandhiga carwada mombasa .
Qabanqaabiyayaasha show-ga ayaa waxa ay sureen Kamarooyiinka CC-TV goobaha muhiimka ah .
Ilaalada dhanka amaanka ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in waaxda booliiska ee la dagaalanka argagixisada ay heegan sare ku jiraan ayada oo laga cabsi qabo weeraro argagixiso.
Horay ayaa sirdoonka dalka waxa ay uga digeen in Mombasa ay ka dhici karaan weeraro argagixiso oo kooxda Al Shabab ay ku soo beegayaan maalinkii la dilay Sheekh Cabuud Rogo .
WaxaA dhanka kale maanta ku beegan sanad guuradii ka soo wareegtay markii rag hubaysan ay gudaha magaalada Mombasa ku toogteen Sheekh Cabuud Rogo .
Dilka Wadaadkan ka dib ayaa waxa Magaalada mombasa ee gobolka Xeebta ka dhacay Rabshado looga soo horjeedo dilkii shiiqaasi.
Sheekh Cabuud Rogo ayaa waxaa intii aan la dilin ka hor dhowr jeer la soo taagay maxkamada isaga oo loo haystay dacwado la xiriira fallal argagixiso iyo inuu xiriir la lahaa falaagada Al Shabaab Ee ka dagaalanta Bariga iyo bartamaha Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com