Dhageyso: Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Inay Shirweyne Qaran Ku Qabaneyso Magaalada Muqdisho.

0

yariisowMuqdisho (AGGM): Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa waxay daboolka ka qaaday inay shirweyne Qaran ku qabaneyso Magaalada Muqdisho, si dadka Somaliyeed ay uga qeybgalaan Siyaasada dalka.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya ahna La taliyaha Madaxweynaha, Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa wuxuu sheegay 2-da ilaa 6-da September, ay Dowladdu shirweyne Qaran ku qabaneyso Magaalada Muqdisho.

“Dowlada Federaalka Soomaaliyeed waxey go’aamisay in labada ilaa lixda September Muqdisho lagu qabto
shirweyne Qaran oo dib u heshiisiin ah arrimaha siyaasada gaar ahaan sidii loo meelmarin lahaa wixii lagu balamay oo ah in wadankan ay ka dhacdo doorashooyin xor ah. ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

“Shirkan ujeedooyinkiisu waxa uu yahay in dowladu ka qeybgeliso arrimaha siyaasada bulshada Soomaaliyeed.” ayuu sii raaciyay Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_002.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com