Baladweyne(AGGM) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay iney kala qaadaan maleeshiyo beeleedyo walaalo ah oo dagaal beeleedyo qasaare geystay uu ku dhexmaray deegaanka Deefoow oo 30 KM u jira magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sheekh Xuseen Cismaan Cali Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada maamulka gobolka Hiiraan oo wareysi siiyay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan deegaanka Deefoow ayaa sheegay in maamulku uu ku guuleystay iney kala qaadaan maleeshiyo beeleedyadii dirirtu ay dhexmartay, haddana uu maamulku qabanqaabinayo dib u heshiisiin guud oo beelahaasi la kala dhex dhigo.
Gudomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka gobolka ay xalay ku hoydeen tuulada Deefoow islamarkaana ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhexdhigaan beelo walaalo ah oo halkaasi ku dagaalamay islamarkaana ay kala qaadeen ciidamadii is horfadhiyay.
‘’ Ciidamadii ishorfadhiyay ayaan kala dhexgalnay kadibna waxaan u yeernay odayaasha labada dhinac weyna naga aqbaleen xabadjoojinta iyo iney kala qaadaan maleeshiyaadka, waxaana iclaamiyay gobol nabadeed oo uu maamulka gobolka dhigayo taas oo labada beelood ay ku wadahadli doonaan ‘’ ayuu yiri gudoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Hiiraan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com