Gudoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Xiliga Uu Furmayo Kalfadhiga Seddexaad Ee Golaha Shacabka… WARSAXAAFADEED

0

Mudane-JawaariMuqdisho(AGGM) Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xiliga uu furmayo Kalfadhiga Seddexaad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Kalfhadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka Dalka uu furmayo 10ka bisha September ee fooda nagu soo heeysa haduu Alle raali ka noqdo,lana bedelay halkii horey looga qorsheeyey 02-September.

“kadib markii uu dhageystay Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya soo jeedinta gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaa la go’aamiyey in Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka uu furmo 10ka bisha September ee fooda nagu soo heeysa,ayadoo laga bedelay waqtigii horey loogu qorsheeyey oo ku beegan 02-September-2013”ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Xildhibaannada Baarlamaanka ay xiligii fasaxa gelilahaayeen ee labada kalfadhi aanay fasax aadin oo ay shaqeeynayeen ayagoo ka qeybgalayey Kalfadhigii aan caadiga aheyn,hadana ay Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ugu maqanyihiin gobollada Dalka howlo shaqo taasina ay tahay sababta keentay in xiliga uu furmayo Kalfadhiga Seddexaad laga dhigo 10ka bisha September.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku booriyey Xildhibaannada Baarlamaanka iney dhowraan waqtiga oo ay u diyaar garoobaan inta ka horeysa ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga Seddexaad ee Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com