Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Oday Dhaqameed Amiin Cali Muumin… WARSAXAAFADEED

0

IMG_1238Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Oday Dhaqameed Amiin Cali Muumin oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka kaasi oo ay kooxo dhagarqabeyaal ah dil ugu geysteen magaalada Muqdisho 24kii bishan August .

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeynaya geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Nabaddoon Amiin Cali Muumin oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka,kooxo arxanlaaweyaal ah ayaa ku dilay magaalada Muqdisho habeen hore, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa carruurtiisa,qoyskiisa iyo ehellada uu ka geeriyooday”

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa Jano siiyo,qoyskiisa, ehellada iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka