Abaandulaha Xoogga Dalka & Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Oo Dhusamareeb Lagu Soo Dhaweeyey (Sawiro)

0

DSC001961Caabudwaaq(AGGM) Wefdi ballaaran oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi islamarkaana shalay booqasho ku yimid Degmada Guriceel ayaa maanta soo gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wefdiga oo ka koobnaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka,Masuuliyiinta Maamulka cusub ee Gobolka iyo Saraakiisha Ahlu sunna Waljamaaca ayaa waxaa Koontaroolka laga soo galo Magaalada Dhuusamareeb uga hortagay Boqolaal shacab ah kuwaasoo watay Calanka jamhuuriyadda iyo Boorar ay ku xardhanyihiin sawirrada Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) islamarkaana hab maamuus dowladeed kusoo dhaweeyay Wefdigan ka socday Dowladda Federaalka ah ee booqashada ku maraya Gobolka Galgaduud.

Soo dhaweyn kadib ayaa waxa ay Wefdiga maanta kulan saacado badan qaatay kula yeesheen Magaalada Dhuusamareeb Madaxda Dhaqanka,Ururrada Bulshada Rayidka ah,Masuuliyiinta Ahlu-sunna waljamaaca iyo dhammaan qeybaha kala geddisan ee Bulshada ku nool Gobolka.

Kulankan ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Masuuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Macallim C/Raxmaan Cali Maxamed Geedaqorow, Guddoomiyeyaasha saddexda Gole,Golaha Talada,Golaha Fulinta Ahlu Sunna Waljamaaca,Abwaanno,Salaadiin iyo Wakiillo ka socday Odeyaasha Dhaqanka iyo Dhallinyarada Gobolka Galgaduud kuwaasoo si diiran usoo dhaweeyay Wefdiga ka socda Dowladda islamarkaana dhankooda ballanqaadey inay si daacad ah oo wanaagsan ula shaqeyn doonaan Maamulka cusub ee uu Madaxweynuhu usoo magacaabay Gobalka Galgaduud.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Kulanka ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’antahay inuu dib u bilaabo qaadista iyo Uruurinta Canshuuraha Gobolka,islamarkaana ay dib u dhis ballaaran ku sameyn doonaan Goobaha waxbarashada,Caafimaadka iyo Meelaha lagu horumarinayo Bulshada Gobolka Galgaduud.

“waxaan idiin caddeynayaa inaysan suurtagal aheyn in Dowladda Soomaaliya ay Lacag dollar ah diyaarad usoo saarto Gobolka galgaduud marnaba suurtagal ma ahan in aad taas ku riyootaan balse waxaa loo baahanyahay in Gobolka laga soo saaro dhaqaale lagu horumarin karo adeegyada bulshadu u baahantahay” sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Mudane Cirfo.

Waxa uu Guddoomiyuhu xaqiijiyay in wadahadal ay la geli doonaan cid kasta ee dooneysa in isbedel laga sameeyo Gobolka ,isagoo ugu baaqay Maamulladda Gobollada deriska la ah Galgaduud inay deris wanaag u muujiyaan Gobolka Galgaduud oo ay wadashaqeyn saaxiibtinimo yeeshaan.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi oo Khudbad ka jeediyay Kulanka ayaa xusay in Dhawaan dib xarigga looga jari doono Xerada 21-aad ee Milateriga Somalia taasoo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb waxaana loosoo magacaabay Taliye iyo Abaanduule cusub Xerada 21-aad oo laga xukumi doono Gobollada Dhexe gaar ahaan Hiiraan,Galgaduud iyo Mudug.

Abaanduulaha ayaa intaasi ku daray in arrintaan ay qeyb ka tahay hirgelinta heshiiskii March dhex maray Ahlusunna iyo Dowladda Soomaaliya dibna loo qaabeyn doono Ciidamada Xoogga dalka  iyo kuwa Ahlu-sunna ee ku sugan G.Galgaduud.

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Taliska Milateriga waxaa ka go’an inay cadowga ka xureeyaan goobaha ay kaga harsanyihiin Gobolka Galgaduud iyo Gobollada kale ee dalka” ayuu yiri General C/Risaaq Khaliif.

Wefdigaan ka socda Dowladda Somalia waxa ay booqan doonaan Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka galgaduud gaar ahaan Caabudwaaq,Xeraale iyo Deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka.

                                   —– DHAMAAD——–

DSC00076DSC00058DSC00062DSC00109DSC00177DSC00186DSC00247DSC000531DSC000631DSC000891DSC001961DSC002011DSC001601DSC001831