Soomaalida Koonfur Afrika Oo Dalkooda Dib Ugu Soo Laabanaya (Sawiro)

0

DSCN8116Muqdisho(AGGM) Waxaa sii kordhaya qulqulka dadka dib ugu laabanaya Soomaaliya bilihii ugu dambeyay kuwaasoo isugu jira dhalinyaro iyo Qoysas kadib markii ay adkaatay nolosha dalka Koonfur Afrika iyo amaandaraddi, iyadoo dilalka ay noqdeen kuwa isbuucla ah halka boobka loo geysto Soomaalida ganacsiyada ku leh tuulooyinka ay yihiin kuwa bille ah.

Dhanka kale dib u laabashada dadkan ayaa sabab u ah kadib markii dalka uu helay Dowlad rasmi ah oo ay qurba joogta Soomaalida ay u bilayaan maalgashi dadkan ayaa galay dalka Koonfur Africa  intii u dhaxeysay sanadii 2007 illa 2012 kii xilligaas oo ay Soomaaliya kasocdeen dagaalo.

Warbaahinta Qaranka oo ku booqatay dad baxaya Air Port magaalada Johanseburg ayaa waxay u sheegeen in Safaaradda Soomaalida ka caawisay bixitaankooda,  iyagoo aad  ugu faraxsanaa iney dib ugu laabtaan dalkooda.

Horay ayaa Koonfur Afrika waxaa todobaad walba soo gali jiray Muhaajirin Soomaali ah oo gaaraya boqolaal, halka ay hadda todbaad walba dib ugu laabtaan dalka Somaaliya ku dhawaad boqol u badan dhalinyaro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSCN8116DSCN8119DSCN8169DSCN8171DSCN8175