Madax Ka Qayb Gashay Aaskii Taliyihii Guutaada Labaad Ee Xoogga Dalka

0

IMG_47071Muqdisho(AGGM) Aaska marxuum Cali Guure Afdhuub oo ahaa Taliyihii guutada labaad ee ciidanka xoogda dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay gudaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kadib marki uu u geeriyooday dhaawac dhawaan ka soo gaaray xili ay kuguda jireen howlgallo ay ku gudanayeen waajibaadkooda Qaran sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Ma’suuliyiinta ka soo qeyb gashay aaska ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka gaashaandhiga, kuxigeenkiisa,  saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo qaar kamid ah ehelada marxuumka, iyadoo lagu aasay gudaha Isbitaalka Madiina.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi  “Indha qarshe”  ayaa balanqaaday in aan looga haridooni shaqsigii ka dambeyeey dilka Marxuum Cali Guure.

“Waxaan balan qaadaynaa in shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka Cali Guure, meelkasta oo uu ku dhuunto loogama hari doono, teeda kale sida uu qabo xeerka ciidanka xoogga dalka, waxaan daryeeli doonaan agoonta uu ku tegay Allaha u naxariistee Marxuum Cali Guure” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha.

Wasiirka gaashaandhigga ee Xukumadda Soomaaliya C/xakiin  Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa uga tacsiyadeeyey dhamaan ciidanka xoogga dalka, ehelada iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka tegay,  isagoo carabka ku dhuftay in kan wasaarad ahaan ay cadaaladda horkeeni doonaan askarigii falkaasi ka dambeyeey, islamarkaana looga hari doonin falka nuucaasi ah.

“G/sare Cali Guure waxa uu ahaa saraakiisha  sida fiican uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka, waxaana uu naftiisa ku waayay difaacidda Qarankiisa, Cali Qoyskiisa kaliya kama uusan tegin, ee dhamaanteen ayuu naga wada tegay, waxaana Alle uga baryayaa in uu janada ka waraabiyo” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com