Dhageyso: Ku Simaha Jabhadda Raaskamkooni Oo Afka Furtey Sheegeyna In Kismaayo Hal Beel Leedahay

0

180Kismaayo(AGGM) Ku simaha Jabhadda Raaskambooni Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ah Mid ka mid ah raggi gabood falka ka geystey Magaalada Kismaayo isla markaasna hadda ah ku simaha Hogaanka Jabhadda Raaskambooni ee Magaalada Kismaayo ayaa dhaylo dhaan ka muujiyey shirka ka socda Addis Ababa,waxaana uu ka hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan shirkaasi.

Macalin Maxamed Ibraahim oo idaacadaha Maxaliga ah kula hadlayey Magaalada Kismaayo ayaa daboolka ka qaaday in jabahda Raaskambooni ay geeri ka xigto inay dekadda Iyo garoonka kismaayo ku wareejiso dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu shegay in kismaayo ay leedahay hal beel oo qura.

Dhinaca kale waxaa uu cambaareyn u jeediyey warbaahinta Soomaalida,waxaana uu sheegay inay dhibaato wadaan isla markaasna hurinayaan colaad,waxaana uu si gaar ah u bartilmaameedsaday idaacadaha Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay inay dagaal ka wadaan dhinaca muqdisho kaasi oo ku wajahan goboladda jubooyinka.

Sidoo kale waxaa uu daboolka ka qaaday in hadii dawladu aqoonsan waydo Maamulka Jubaland aysan iyana aqoonsaneyn dawlada federaalka ah,waxaana uu sheegay inaysan u dul qaadan doonin in mar dambe dawladu ay arrimaha gobolada Jubooyinak faraha la soo gasho,waxaana uu sheegay in dagaal culus ka dhic karro arrimahasi.

Macalin Maxamed Ibraahim waxaa ninka Magaalada Kismaayom dhibaatada xoogan ka wada isla markaasna shacabka Magaalada Kismaayo barakicinaya ,waxaana uu maalmihi la soo dhaafay dadka shacabka ku amrayey inay ka guuran guryahooda isla markaasna aysan kismaayo ay leeyihiin hal beel oo qura taasi oo u ku tilmaamay beesha uu ka soo jeedo ee laga soo daabulay Gaarisa Gubaay iyo kilinka 5-aad.

Si kastey ahaataba kulankii Addis Aba ayaa maraya meel adag iyadoo jabhadda Raaskambooni ay markii hore qodobo badan ogolaadeen balse ay markii dambe dhinaca kale ka waregeen ka dib markii ay la soo tashadeen Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdi Gaandi ay tallo leexsan soo siiyeen kooxda jabhadda Raaskambooni.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/Wareysi-Macalin-Maxamed-Ibraahim-Maxamuud.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com