Gudoomiye Xuseen Cali Weheliye Oo Ku Sii Jeeda Gobolka Galgaduud Maanta

0

galgaduud6Muqdisho(AGGM) Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socoda diyaargarow loogu jiro soo dhaweeynta gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi oo lagu wado maanta in uu gaaro Gobolkaasi.Waxana la sheegaya inuu cagta marin doono dhamaan degmooyinka gobolka Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa saaka ka socda qabanqaabo aad u balaaran oo loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolkaasi Xuseen Cali Wehliye oo la filayo in uu maanta gaaro gobolka.

Diyaargarowga loogu jiro soo dhaweynta gudoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sidoo kale ka socotaa magaalooyinka Guriceel, Cabuudwaaq iyo Balanbal kuwaas oo la filayo in uu isla maanta booqdo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye ayaa waxaa horyaalo howlo adag oo u baahan wax ka qabasho sida amniga, iyo maareeynta colaad beeleedyo soo noqnoqday oo ka dhaca qeybo ka mid ah gobolka iyo sidii gobolka looga saari lahaa haraadiga argagixisada oo ku sugan degmooyin ka mid ah gobolkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com