Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Oo Guriceel Lagu Soo Dhaweyey & Shil Diyaaradeed Oo La Kulmay (Sawiro)

0

DSC09899Muqdisho(AGGM) Wefdi balaaran oo ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hogaaminayay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa manta soo gaaray Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wefdigaan ayaa waxaa ku wehlinayay Abaanduulaha Xoogga dalka Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo ASWJ.

Diyaaraddii siday Wefdigaan oo manta kasoo ambobaxday Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Degmada Guriceel, halkaas oo si heer sare ah ay ugu soo dhaweeyeen Madaxda ASWJ iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada, kuwaasoo u hamuun qabay in nidaamka Dowladeed la gaarsiiyo guud ahaan Gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn inta aysan soo degin Diyaaraddii sidday wefdiga ayaa Duuliyihii diyaaradda waxa u si qaldan uga soo dajiyay jiho aan aheyn meeshii loogu talagalay inay diyaaraduhu kaga yimaadaan Garoonka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyado taasina ay keentay in diyaaraddu ay afka la gasho dhul qaranqaar ah oo 30 Mitir ka baxsan Garoonka inkastoo Wefdiga iyo dadkii kale ee la socday diyaaraddu ka badbaadeen shilkaasi, hayeeshee uu dhaawac fudud kasoo gaaray Mid kamid ah shaqaalihii Diyaaradda la socday oo magaciisa lagu soo koobay Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo garoonka diyaaradaha kula hadlayay boqolaal dadweyne ah ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta wefdiga ka socda Dowladda Soomaaliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu isbedel dhab ah ka hirgelin doono Guud ahaan Gobolka loo idmaday ee Galgaduud.

Sidoo kale Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi oo isna la hadlay dadweynaha isugu yimid garoonka ayaa salaan uu uga waday Madaxda Qaranka guddonsiiyay, isagoo farta ku fiiqay in ujeeddada socdaalka wefdiga uu la xiriiro sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii ay Dowladda la gashay ahlusunna Waljamaaca, islamarkaana loogala shaqeyn lahaa dhamaan Bulshada Gobolka xaqiijinta Amniga.

Wefdiga ayaa sidoo kale kulamo gaargaar ah la yeelan doona Madaxda Dhaqanka, Culimada iyo qeybaha ururrada Bulshada Rayidka Gobolka Galgaduud, islamarkaana booqan doona Qeybaha iyo Xarumaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ku leeyihiin Gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan isbedel ku sameysay Maamulka Gobolka Galgaduud maadaama uu waqtigi ka dhammaaday, iyadoo doonaysa inay xiriir iyo wadashaqeyn toos ah la yeelato guud ahaan Gobollada dalka, lagana saaro qeybaha fara ku tiriska ah oo ay Shabab ka joogaan Gobolka iyo Gobollada kale.

Ministry of Defense Media Relation Office

Guriceel-Somalia

DSC09838DSC09842DSC09856DSC09868DSC09876DSC09920DSC09888DSC09886DSC09899DSC09940