Wada Hadalka Kismaayo Oo La Isku Mari La'yahay

0

KZETaddis2W_0Addis Ababa(AGGM) Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw wada hadalada ayaa BBC Somali u sheegay in arrimaha la isku hayay oo intooda badan la isku afgartay markii hore in saacadihii ugu dabeysay ee la saxiixi lahaa lagu kala booday.

Weli waxaa socda dhexdhexaadin ay u kala dabqaadeyso IGAD.

Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo waxaa ka mid ah:

 

  1. Cidda Maamulka magacaabeysa sida guddi fulin oo ay labada dhinac fikrad ahaan isku raaceen.
  2. Cidda maamuleysa ciidamada.
  3. Maamulka dekedda iyo garoonka
  4. Magaca loogu yeeri doono maamulka Kismaayo oo labada dhinac isla garteen inuu noqdo mid KMG ah iyo qoddobo kale.

Wada hadaladan ayaa waxay ku soo beegmayaan labaatan maalmood kadib markii shir ay ku yeesheen dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya magaalada Kampala lagu go’aamiyay in maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Gacan ku heynta magaalada Kismaayo ayaa wax badan isbedeleysay labaatankii sano ee u dambeeyay, isbedeshay , iyadoo markii ugu dambeysay ciidanka Kenya ay xoog uga saareen Xarakada al-Shabaab oo dhawr sano gacanta ku haysay, una suurtageliyeen Jabhadda Raas Kambooni ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe inay la wareegaan maamulka magaalada Kismaayo.

Shir dhawr bilood ka socday gudaha magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in Axmed Maxamed Islaan Madoobe loogu doortay Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Hase yeeshee waxaa isla jagadaasi la sheegtay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka iyo dowladda Federalka oo sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Tan iyo xilligaasi wixii ka danbeeyayna waxaa sii kordhayay khilaafka Kismaayo, taasi oo keentay in dhawr jeer dagaal ka dhaco magaalada oo dad badan oo rayid ah ku dhintaan.

[ca_audio url=”http://www.bbc.co.uk/emp/releases/worldwide/revisions/749603_749269_749444_6/pop.html” width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Source:BBCsomali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com