Wasiirka warfaafinta oo la kulmay mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadka ee dalka “Sawirro”

0

DSC00605Muqdisho(AGGM) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostadda, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi maanta kulanka uu la qaatay mas’uuliyiinta ka socotay shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala ayaa waxaa looga hadlayay arrimo badan oo la xiriira howlaha duulimaadyada dalka iyo sida loola macaamilo rakaabka  diyaaradaha ku safra.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa Wasiirku waxa uu warbixin kooban ka siiyay mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha horumarka Wasaaraddu ay ka gaartay dhinacyadda duulimaadyadda iyo howlaha garoonka diyaaradaha ee Aadan C/lle Cismaan “Aadan Cadde” oo la casriyeeyay waxaana uu Wasiirka sidoo kale u sheegay milkiilayaasha shirkadaha duulimadyada ee maanta kulanka kasoo qeyb galay in ay jirto dhibaato shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan marka ay raacayaan qaar ka mid ah diyaaradaha ka howlagala dalka, taasoo uu sheegay in baahanyahay marka diyaaradaha la raaco luuqadda la isticmaalayo ay noqoto afka Soomaaliga.

Marka uu kulanka uu soo dhamaaday kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay qaar ka min ah milkiilayaasha shirkadaha diyaaradaha ee kulanka kasoo qeyb galay iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya.

Maamulaha shirkada diyaaradaha ee Daalo Airline oo ugu horeyn la hadlay Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayaa isagoo ku hadlayay magaca dhamaan dadkii maanta kulanka kasoo qeyb galay sheegay in kulanka maanta ay la qaateen Wasiirka uu ahaa kulan muhiim weyn uga fadhiya islamarkaana, haddii ay yihiin milkiilayasha shirkadaha diyaradaha ee dalka ka howlgala ay soo dhaweynayaan dhammaan qodobadii kasoo baxay kulankan maanta.

Wasiirka Waaaradda Warfaafinta, Boostadda, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya ayaa dhankiisa faah-faahin ka bixiyay kulanka maanta uu la qaaatay milkiilayaasha shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala iyo qodobadii kasoo baxay.

“Shirkan ay Wasaaraddu qabatay, waxaan ugu yeernay milkiilayaasha diyaaradaha ka howlgala dalka, waxaana uu ku saabsanaa daryeelka rakaabka iyo tayada diyaaradaha, sidoo kale waxaan kala hadalnay in ay isdiiwaan geliyaan oo ah in la helo leysinka ay ku shaqeeyaan iyo shaqalalaha la socda ayna diyaaraduhu noqdaan kuwa leh shahaadooyin, waxyaabo kale oo lagu ogaanayo milkiilayaasha diyaaradaha, waxaan kaloo ka hadalnay in uu jiri doono kulan bille ah oo aan u qabanayno Wakiiladaha diyaaradaha ka howlgalla dalka” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka

Wasaaradda Warfaafinta, Boostadda, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in xayiraadii mudada 20ka sano saarneyd laga qaado garoonka diyaaradaha ee magaladda muqdisho, soo celinta maamulka hawadda Soomaaliya iyo waxyaabo kale.

DSC00548DSC00555DSC00576DSC00584DSC00585DSC00596DSC00605DSC005471