Tirada Tahriibayaasha Soomalida Ah Ee Yemen Oo Hoos U Dhacday

0

c_msf_dolo_allo_ethiopiaLondon(AGGM) Qunsulka guud ee Soomaaliya ee magaalada Caden  ayaa sheegtay in hoos u dhac xoog leh uu ku yimid tahriibka Soomaalida ay ku tagi jireen dalka Yemen kadib markii uu soo hagaagay qaybo ka mid ah amniga dalka.

Qunsulka guud ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen Axmed Cabdi Xasan ”Sudani” ayaa Warbaahinta Soomaalida u sheegay in ay hoos u dhaceen doonyahaTahriibka ah ee dadka tahriibayaasha ah ka soo qaadi jiray Dekeda Boosaaso.

Sidoo kale Qunsulku waxaa uu tilmaamay in ay hoos u dhacday tirada dadka tahriibayaasha ah ee doomaha ka soo raaci jiray xeebaha dalka Jabuuti, wuxuu intaa ku daray in sanadkii 2012 ilaa 2013 ay aad hoos ugu dhacday tirada Tahriibayaasha soo gelayay dalka Yemen marka loo eego sanadihii burburka.

Qunsulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sabab uga dhigay sababta keentay hoos u dhaca qulqulka dadka u tahriibi jiray dalka Yemen dhowr arimood, oo ay ugu mihiimsantahay horumarka dowlada Federaalka Soomaaliya ka gaartay amaanka dalka iyo xiriirka caalamka,  iyo baahidii dadka oo hoos u dhacday iyo dhaqaale dalka soo garay.

Dhanka kale Qunsulka ayaa ku amaanay warbaahinta qaranka muuqaalka wanaagsan oo ay ka soo tebiyaan dalka isagoo hoosta ka xariiqay in warbaahinta qaranku ay qeyb ka qaadatay hoos u dhaca tahriibka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com