Somaliland:Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Kalfadhigooda 22-aad

0

Shirgudoonka-Wakiiladda-300x225Muqdisho(AGGM)Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) ayaa mudanayaashu waxay ansixiyeen ajendaha kalfdhigooda 22-aad.

Dood Xildhibaanadu ay ka yeesheen kalfadhiga ayaa keentay in qodobadda qaarkood laga saaro, kuwo kalena lagu daro, sida xeerka dib u habaynta shuruucda dalka oo golaha loogu soo gudbiyey xeer madaxweyne iyo xeerka doorshada golaha wakiilada, iyo xeerka golaha guurtida ayaa loo saaray gudiyo gaar ah oo ku shaqo leh, waxana golaha lagu soo daray xeerka xog ogal u noqoshada xaalada dalka.

Mudanayaasha fadhiga maanta soo xaadiray oo dhammaa 45 xildhibaan ayaa cod u qaaday ansixinta ajandaha kalfdahiga 22-aad ee Golaha, waxana ogolaaday 40 mudane, waxaa diiday 3 mudane, waxa ka aamusay 1 Xildhibaan, Gudoomiyuhuna ma codayn sidaana waxa ku ansaxay ajendaha kalfadhiga 22-aad ee golaha weakiilada Somaliland.

Dhanka kalena Golaha wakiiladu waxay cod wada jir ah tacsi ugu direen eheladii ay ka dhinteen dadkii naftooda ku waayey shaqaaqadii ka dhacday deegnka God-Heeli ee bariga Somaliland iyo eheladii Suldan Barre warsame Shire oo uu qaaday Dooxa dacar-budhuq xilli uu ku sii socday deegankasi shaqaaqadu ka dhacday ee god heeri.
Mudanayasha Golaha Wakiiladu waxay kaloo si wada jir ah baaq nabadeed ugu direen labada Ardaa ee dhibaatadu ku dhexmartay deegankaasi, waxayna ka dalbadeen inay u dhego nuglaadaan ergooyinka madax-dhaqameedka ah iyo weftiga xukuumadda ee dhexdhexaadinta ka dhex wada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com