Shirkii Addis Ababa Qodobo Laysku Afgartey & Kuwo Wali Laysku Diidan Yahay

0

11_AddisAbebaAddis Ababa(AGGM) Shirkii dawlada Federaalka ah & Jabhadda Raaskambooni uga socday Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya ayaa maraya meel xasaasi ah,waxaana labada dhinac kulankoodu maanta ahaa mid adag oo dood culus iyo isjiid jiidad badani uu dhexmaray.

Kulankan waxaa labada dhinac isla garteen arrimo dhawr ah oo door muhiim ah ka ciyaaraya isu soo dhawaanshaha Dawlada Federaalka ah iyo Kooxda ka socota Jabhadda Raaskambooni,waxaana qodobadda laysla gartey ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

  1.  Waxaa labada dhinac isku raaceen in laga tanaasulo Dastuurkii lagu dhoobdhoobay Magaalada Kismaayo looguna magac daray Dastuurka Jubbaland.
  2.  In Laga Tanaasulo Magaca Jubaland State isla markaasna maanta laga bilaabo loo aqoonsanayo Maamulka Jubooyinka.
  3. In Maamul kumeel gaar ah looga dhawaaqo gobolladda jubooyinka.

Sidoo kale waxaa jira qodobo dhawr ah oo ay labada dhinac isku diidan yihiin isla markaasna ilaa hadda labada dhinac ka doodayaan,waxaana  Madaxda dawlada federaalka ahi sheegeen inay u aqoonsanayaan Maamul ku meel gaar ah Gobolada Jubooyinka Mudo 6 bilood ah. Balse dhinaca Kooxda Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay ku doodayaan in Maamulka KMG ah laga dhigo mudo laba sano ah.

Sidoo kale waxaa jira qodobo kale oo labada dhinac isku mari la yihiin isla markaasna dhinacyaddu wali ka doodayaan,waxaana labada dhinac hadda ku kala dhex jira Madax ka tirsan wadamada deriska ah sida Wasiirka arrimaha dibedda dawlada itoobiya & Sidoo kale ergeyga QM u qaabilsan soomaaliya isla markaasna waxaa masuuliyiintaasi raadinayan in labada dhinac horumar ka sameeyaan muranka ka dhex aloosan.

Ugu dambeyntii labada dhinac ayaa lagu inay maalinimadda beri ah ee 25 bishan soo saraan war-murtiyeed ku aadan heshiiska ay kala seexanayaan,waxaana la sheegaya in hadda labada dhinac isu dhaw yihiin isla markaasna laga rajo qabo inay guul ka garaan wada hadaladooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com