Maleeshiyaad Ku Dagaalamaya Duleedka Magaalada Gurceel Ee Gobolka Galgaduud

0

jowCaabudwaaq(AGGM)Warar hadda naga soo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaal hadda uu ka socdo meel duleedka ka ah degmadaasi.

Dagaalkaasi waxa la sheegay inuu udhaxeeyo labada maleeshiyo beeleed oo walaalo ah waxaana dagaalka uu ka dambeeyey is qab qabsi geedo dhuxul loo badalayey lana doonayey in laga jaro halka dagaalka uu ka socdo.

Inta la xaqiijiyey 2 qofood ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi waxaana loo qaaday cusbitaal ku yaalla Guriceel waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga inta uu la eg yahay maadama weli dagaalka uu socdo.

Ugu dambeyntii xubno uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka ee degmada Guriceel iyo odayaal dhaqameed ayaa ku baxay halka dagaal beeleedka uu ka socdo.

Wararka Ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com