Madaxtooyadda Puntland Meel U Dhaw Oo Laga Soo Saaray Qaraxyo Lagu Duugay

0

FarooleGaroowe(AGGM) Nawaaxiga Madaxtooyadda Puntland gaar ahaan guriga uu Madaxweynaha Puntland ka degan yahay Magaalada Garowe ayaa la xaqiijiyey in agagaarkiisa laga soo saaray qaraxyo lala damacsanaa in lala beegsado Madaxda Maamulka Puntland,waxaana la sheegaya in ciidamada Amaanka Puntland soo saarista qaraxyadaasi ku guuleysteen..

Qaraxyadan oo ahaa kuwa la farsameeyo ayaa waxa lagu aasay meel wax yar ujirta guriga uu deggan yahay Madaxweyne Faroole,waxaana lasoo sheegayaa in ciidamada Amaanka ay fashiliyeen qaraxyadaasi. Waxaana wararku sheegayaan in lala damacsanaa in gaadiidka Madaxweynaha lagu bartilmaameedsado.

 C/raxmaan Xaaji Abshir oo ah taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal oo saxaafada la hadlaya yaa waxa uu sheeegay inay ka hortageen isku day qaraxyo lagu doonayey in la fuliyo. Waxa uu taliyaha boolisku sheegay in ciidamada amaanka puntland ku guuleysteen inay soo saaraan walxaha qarxa ee halkaasi lagu aasay.

 Ugu dambeyntii Xaalada ayaa saaka ah mid deggan iyadoo dadka reer Garowe ay hadal hayaan qaraxyadii la fashiliyey ee guriga Madaxweynaha Puntland Faroole meel ku dhaw. Waxaana qaraxyadaasi la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab oo dhibaato xooga ku haya shacabka iyo Maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com