Dhageyso: Ahlusunna Waljamaaca Oo Si Kulul Uga Hadashay Wada Hadallada U Dhexeeya Dowladda FS Iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

ahlusunnaGarbahaarey (AGGM): Mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa si kulul uga hadllay wada hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo la sheegay in leysku mari la’yahay.

Mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna waxaa ay siweyn u cambaareeyeen wada hadallada dowladda federalka Soomaaliya kula jirto horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  oo sida ay sheegeen ah maamul aan wax sharci ah ku fadhin.

”Waxaan u aragnaa dowladda federaalka in ay ku gaftay la hadalka iyo walba la xaajoodka jabhad iskeed isku caleemo saartay, taas waxaa ay keeni doontaa in koox kasta oo xoog meel ku qabsata dowladda la fariisato lana xaajooto,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Xuseen Al qaadi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ahlu Sunna.

Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka socda wada hadallo xasaasi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana la sheegayaa in wada hadalladaas labada dhinac wali leysku mari la’yahay.

”Waa wax lala yaabo in madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo mas’uuliyiinta dowladda la fariistaan jabhada Kambooniyiinta oo ah kuwa iskood isku caleemo saaray,” ayuu yiri mas’uulka u hadllay Ahlu Sunna.

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa u arka wada hadllada ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kuwa meesha ka saaraya xaq iyo xuquuqda ay leeyihiin shacabka Jubbooyinka iyo Gedo oo ayna u arkaan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni dambiilayaal ka galay dambiyo deegaanadooda.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_032.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com