Amisom: Kufsigii Gabadha Soomaaliyeed Amisom Wax Lug Ah Kuma Lahayn

0

xamudMuqdisho(AGGM) Afhayeenka ciidamada nabad ilaalnta Midowga Afrika Kornel Cali Aadan Xaamud oo maanta shir jaraaid ku qabtay Taliska ciidanka AMISOM ee xalane ayaa waxa uu kaga hadlay shan qodob oo ay ugu muhiimsantahay kufsi la sheegay in gabar Soomaaliyeed uu u geystay askari Amisom, ammaanka magaalada Muqdisho iyo doorka Amisom ay ka qaadanayaan iyo waliba qodobo kale oo ku saabsan howlaha Amisom.

Ugu horeyntii Afhayeenka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom kornel Cali Aadan Xaamud waxa uu ka hadlay kufsigi la sheegay in gabar Soomaaliyeed uu u geystay askari ka tirsan ciidanka Amisom, isagoo xusay in ciidamada Amisom aan wax lug ah ku lahayn eedeynta loo soo jeediyay, waxa uuna ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan laga fiirsan.

“Sadax boqol oo gabdho Soomaaliyeed ayaa lagu daweeyaa xarunta Amisom ee xalane, marka waxaan leeyahay ma jirto warka sheegaya in askari Amisom uu gabar kufsaday, teeda kale ma jirto askari Amisom oo aan la soo barin dhaqanka Soomaalida oo la keeno dalka” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Amisom waxa uu ka hadlay falalka amniga lidiga ku ah ee maalmahaan magaalada Muqdisho ku soo badanayay, waxa uuna carabka ku adkeeyay in iyaga iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay is garabsanayaan, ayna wax weyn ka qaban doonaan marxaladaha amni darada horseedi kara ee dhaca mar marka qaar.

“Xaaladda nabadgelyo xumi ee la sheegayo way jirtaa laakiin Amisom iyo ciidanka qalabka sida si wada jir ah ayay u wada shaqeynayaan har iyo habeenbam, iyagoo ka howlgalla magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, lana xoojin doono arrimaha amniga” ayuu yiri afhayenka Amisom.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com