Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Maanta la Kulantay Duqa Magaalada Shangahai

0

DSC02893Muqdisho(AGGM) Ra’iisulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda xukuumada soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dhul weynaha shiinaha ayaa maanta booqatay goobo kala duwan oo ka tirsan magaalada Shangahai oo ah caasimada dhaqaalaha ee dalka shiinaha.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa la kulantay duqa magaalada Shangahai waxana ay kala hadashay sidii loo mataaneey lahaa magaalooyinka muqdisho iyo Shangahai,iyo Shirkado ganacsi kuwaas oo balan qaaday in ay Soomaaliya maalgashi ku samaysanayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya iyo duqa magaalada Shangahai ayaa ka wada hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxeeysa labada dal iyo sida dowlada shiinaha looga baahanyahay in ay dib u soo celiso saaxiibtinimadaasi.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka iyo wafdiga ay hogaamineeyso ayaa sidoo kale booqday dekada weyn ee magaalada Shangahai iyo goobo kale oo muhiim ah.

Wafdiga ay hogaaminesyo wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa caawa soo gabagabeynayo booqashada ay ku joogaan magaalada Shangahai,waxana u gudbi doontaa gobolka Mangoliya,ka dibna waxa ay maalmaha axada iyo sabtida aadi doontaa magaalada Beijiin ee caasimada dalka shiinaha halkaasi oo ay kula kulmo doonto ra’iisulwasaare ku xigeenka,madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com