Mid Ka Mid Ah Odayaashi Baarlamaanka Soomaliya Soo Xulay Oo Caawa La Dilay

0

IMG_8760Muqdisho(AGGM) Alle ha u raxmadee Waxaa hadda Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo dhisay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabi jirey Aamiin Cali Muumin,waxaana la sheegaya inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan oo lagu tilmaamay inay ka tirsanayeen Alshabaab.

Marxuumkan waxaa la dilay xilli uu ku sugnaa Banaanka hore oo hoygiisa,waxaana la sheegaya inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo bistoolado ku hubeysnaa kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen meesha dilku ka dhacay oo ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banadir.

Ciidamada dawlada federaalka ah ee farisiinka ku leh degmada Dharkeyleey ayaa la sheegaya inay halkaasi soo gaareen balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan isla markaasna waxay baaritaano dheeri ah ka sameynayaan meesha dilku ka dhacay oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay in kooxda dilka fulisay ku dhumaaleysaneysay.

Ugu dambeyntii waxa dilkan marxuumkan qayb muhiim ah ka yahay dilalka Alshabab ku bartilmaameedsanayaan odayaashi dhaqanka ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya baarlamaankiisa soo xulay,waxaana dilkan imaanaya xilli dhawaan Magaalada Muqdisho lagu toogtey dhawr oday oo ka mid ahaa raggi soo dhisay dawlada hadda jirta mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtey dilalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com