Haweenay Maal-gashi Ganacsi Oo Balaadhan Ka Hirgelisay Boorame

0

Ganacsiga-SAHRA-SACAD-300x127Hargeysa(AGGM) Marwo Sahra Sacad Oo Maalgashi Ganacsi Balaadhan Ah Ka Samaysay Boorama.Dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Boorama ayaa marba marba ka dambeeya kor u sii kacaya, taasi ayaana waxa ugu wacan iyada oo ay qurbojoog badan oo ganacsiyo ku leh qurbuhu ku dhiiradeen inay maalgashi ka samaystaan dalka gudihiisa.

Sahra Muxumed Sacad waxa ay ka mid tahay qurbojooga maalgashiga balaadhan ku sameeyay Boorama, iyada oo ka samaysay ganacsi balaadhan oo soo jiitay dad u badan haween, waxana ay ganacsiyadan oo kale ku leedahay meelo badan oo dunida dacaladeeda ah.

“Waxa aan ku leeyahay ganacsiyo kala duwan dalka Imaaraatka, Canada, waxan aan u soo jeestay Somaliland inaan maalgashi ku sameeyo, waxa aan ganacsiyo balbalaadhan oo dhinaca dumarka ah ka sameeyay Wajaale iyo Magaalada Boorama oo aan jecelahay inay noqdaan kuwo wax badan oo dhinaca shaqo abuurka iyo adeega bulshada ahba soo kordhiya, waxana ii qorshaysan inaan Somaliland inteeda kale ku sii fidiyo maalgashiga iyo ganacsiyada aan ka samaynayo.

Marwo Sahra oo ka jawaabaysay waxa ku kalifay inay Boorama ka samayso ganacsigan iyo waxa uu kaga duwan yahay ganacsiyada kale ayaa waxa ay yidhi “Waxa aan garawsaday in loo baahan yahay in dharkii kala duwanaa ee haweenka ee aan ku iibin jiray Dubia aan soo dhaweeyo oo aan keeno Boorama oo Somaliland ah, waxa kale oo xusid mudan in dad badan aanay awoodin inay Imaaraatka yimaadaan, isla markaana ay baahi u qabaan inay helaan dhar tayo leh oo ay ku helaan dalkeena, waa sababtaas mida aan u sameeyay, waxana aan hubaa in qiimahu uu yahay mid aad u jaban isla markaana qof kasta oo Somaliland ku nool uu maalin galinkeed kaga dukaansan karo halkan oo isaga oo helay dhar tayo leh.

Waxa aan ugu bishaaraynayaa macaamiishayda inaan u soo dhaweeyay ganacsigii dharka ee dibada loo tagi jiray, qiimuhuna uu yahay mid ku raaligalin doona, waxana ay talaabadan aan qaaday ay tahay mid ay ku dhiiran doonaan oo soo jiidanaysa dad badan oo qurbojoog ah oo ay wali u furan tahay in maalgashi ay ka samaystaan dalka.