Gabay Ku Socda Madaxda Isbaheeysiga Cusub Ee “Maxaan Cunaa”.

0

dambiileyaalWaxaa bishii dhamaatay dabayaaqadeedii shir ku qabtay magaalada Niarobi (magaalo madaxda Kenya) niman soo maray hogaanka soomaaliya sanadihii qalalaasaha; nimankaas dhamaantood oo soomalidu ku eedayso inay  geysteen gabood falo xun-xun oo ka dhan ah  dadka, ciida, diinta, xornimada, hantida umada soomaliyeed; nimankaasi waxay ahaayeen: Cali Maxamed Geedi, Cali Khaliif Galyr,  Cumar C/rashiid, Gaandi, Cabdiwali Cali-gaas, iyo Yusuf Garaad; nimankaasi waxay shirka u qabteen inay manja xaabiyaan dowladda taagta yar ee ka jirta Soomaaliya, hadaba waxaa wax layaab leh igu noqotay nimaankaas oo dhamaantood aqoonta maadiga ka gaarey meeshii ugu saraysey, soona qabtay jagooyinkii ugu sareeyey ee dad qabtana soo qabtay inay garan waayaan inaysan bararin  dhibaatada umada soomaaliyeed ku habsatey.

Markaan arkay nimankan waxaa igu soo dhacday heestii ahayd cilmiga ha luguu dhigee caqli kaasho baa layiri. Heestaas micneheedu wuxuu ahaa qofkii caqli leh baa cilmi la baray wax ku taraa laakiin nacas wax kuma taro, Markaan hawshan arkay baan waxaan tiriyey gabaygan hoos ku qoran oo aan ku soo ururiyey caalamadaha doqonta qaarkood dad wenaha ama akhristaha ayaan u daynayaa qaybtay ka siinayaan raga magacyadoodu kor ku qoranyihiin.
Galyr iyo Geediyow
Gu,u weyn nood gaarto iyo gabow ma gargaari karo
Ra,a yiga geelu u dhashee
Caqliga guule uu baxshaa aqoonta gaggaarsadee
Doqoni waa goomantahay
Gadiiney gararaftaa
Gowskey wax la raadisaa
Gurbaan hunguray tuntaa
Qalbigaa gaajo u degtaa
Waqeed waa goobxun joog.
Ceeb baa gogosheedu tahay,
Gafbaa hadalkeedu yahay,
Go,o baa taladeedu tahay,
Geeraa guusheedu tahay,
Gayac baa  gurigeedu yahay,
Gaadmaa dirirteedu tahay
Gadaal bay u geedi tahay,
Nabada guluf bay  ku tahay     
Gacalkay cadow ku tahay,
Gandi bay ku tahay ciida,
Calanka  Gooryaanbay ku tahay,  
Dharagta  Gaajay ku tahay
Gugeey fool xumo ku tahay
Garsoorkay qadis ku tahay
Gaashaan bay nacab u tahay
Dhaqanka   Gabax bay ku tahay  
Gabaad bay balo u tahay,
Wadani gubashay ku tahay
Geediga baladey rartaa
Gaadiidbay  hoog u yahay
Ibliis bay garab u tahay
Gaadaha sahan bay u tahay
Gumaystahay daba gashaa,
Walaalkeeday gantaa
Xinbay goofaartantaa,
Gasiin tuugey cuntaa
Xaaraantay goosataa,
Garasho naafay ka tahay
Galoof bay katahay xishood
Gacmaha bay hoorsataa
Bareeraha waa gabtaa
Xanbay soo gaataa
Gurigeeday gubtaa
Giyigedeey gadaa
Gabanedeeday cuntaa
Ciideedeey ganacsataa
Gudboonaantay  gabtaa
Gool bay dira-dira u tahay
Gamaas bay ruufyaan u tahay
Godbay been kula jirtaa
Dulmay gogshiisa tahay
Garawshaha baa ku adag
Garteeday daba martaa
Geedaha murankay cutaa
Gabaad bay u tahay fidnada
Gardaro  garabay u tahay
Hinaasahay guri utahay
Gun weeyoo waynu garan
Gugeedu ha baaqdo taas
Gumestaha soo watiyo
Ayadu ha is garab dheceen
Guushana anagaa iska leh
Wadanigey gacantiisa galin.

Waxaa  gabayga tiriyey Daahir Cali-dhuux  (Balikibir)