Dowladda Oo Ugu Baaqday Ajnabiga Dalka Imanaya In Ay Isa Soo Diiwaan-galiyaan Si Ammnigooda Loo Sugo.

0

Afhayeenka-Xukuumada-Ridwaan1-411x350Muqdisho (AGGM): Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ugu baaqday in ay isa soo diiwaan-galiyaan dadka ajnabiga ah  marka ay soo gaaraan dalka si markaa looga warqabo islamarkaana loo sugo ammnigooda.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali oo arinta ka hadllayay ayaa sheegay  weerarkii lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Swedan uu ahaa mid dhashay ka warqab la’aanta dowladda federaalka Soomaaliya.

”Dadka ajnabiga ah waa in ay soo diiwaan-galiyaan si looga warqabo, islamarkaana ammnigooda loo ilaaliyo, maxaa yeellay wey adag tahay in dowladdu sugto nabad-galyadooda haddii aysan ka war-qabin.

Ridwaan Xaaji C/wali ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaashaamaan doonto dhibaatada ay dadkaasi magaalada ka wadaan,wuxuuna intaa raaciyey in gacan bir ah lagu qaban doono lalana xisaabtami doono sida uu sheegay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com