Dhageyso: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Burburiyay Guryo Ay Dad Shacab Ah Ay Leeyihiin.

0

buldozerKismaayo (AGGM): Qoysas cabanaya iyagoo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa waxa ay sheegeen in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  ay ka burburiyeen guryo ay ku noolaayeen 20-kii sano ee u dambeeyay.

Qaar ka mid ah Odayaasha qoysaskaasi laga burburiyay guryaha ayaa sheegay in lagu amray in ay ka baxaan guryo ay ka daganaayeen Kismaayo kadibna iyaga oo aan wax fursad ah la siin aqaladooda cagta la mariyay.

Dadkani cabanaya ayaa waxa kale oo ay sheegeen in guryihi laga dumiyay amaba laga barakiciyay la dejinayo shaqsiyaad gaar ah oo dhulka laheyn sida ay hadalka u dhigeen.

Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee Kismaayo oo ay isku dayday idaacada Risaala in ay dhankooda ka hadlaan arintani ayaanan suura gelin.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_029.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com