Cali Geedi Oo Maqaalkaygii Sidaan Uga Soo Jawaabay.

0

KENYA SOMALIAInkastoon hubin in Shasiga ii soo diray Emailka uu yahay Cali Maxamed Geedi hadana waxaan balan qaaday inaan soo gudbin doonno Jawaabtiisa.

Tani maahan Jawaabtii dhabta ahayd oo aan Geedi maqaalkayga kaga rabay balse sidaan buu iigu soo jawaabay.

NB: Emailka waxaan u qariyey waa sheey u gaar ah mudanaha.

Cali Yaasiin Gurbe.

Waxaan La yaabanahay Qaabka Khaldan ee aad Taariikhdayda u marin habaabisay markii aan daraasad sameeyayna waxaa ii soo baxday in aad tahay walaalkey ama wiilkeygii oo la khalday, Anigu waxaan u taagnahay weligayna u taagnaa in aan ahay Kaadir u tababaran Midnimada iyo isu soo dumida shacab weynaha Soomaaliyeed taas oo aad ogaan kari lahayd hadii aad ahaan lahayd shakhsi aqoon ii leh. Waxaan ahay ama ka mid ahaa Halyeyadii dhidibada u taagay dowlada maanta jirta oo aan ku bixiyay naf iyo maal welina aan u taagnahay Ilaalinteeda.

Waxaan necbahay wax kasta oo Dowladnimada Soomaaliya dhibaato u keeni kara, Cadowga ugu weyn ee Qaranimada Soomaaliya heystana waa Qabiil, Waana taas tan keentay in maanta rag aad adigu ka mid tahay ay aflagaadeeyaan shakhsiyadayda, Maanta dowlada jirta waxay dib u soo noolaysay Qabiilaysigii Soomaaliya ka jiray 1991, Arintaasina waa khatar ku soo fool leh Qaranimadii Soomaaliya, Khibradaydii Shaqo ee siyaasada Soomaaliya waxyaabaha aan ka bartay waxaa ka mid ahaa in hadii aad rabto in aad noqoto Nin Qaran aad marka hore qabiilkaaga aad qabiilaysiga ka diido.

Waana taas tan laygu haysto maanta.

Xiligii aan Ra,iisal wasaaraha aan ahaa waxaan isku mid ka dhigtay Soomaaliga ku nool Baydhabo, Boosaaso iyo Boorame.

Maanta waxaa dhacay in shaki la geliyo Magaalo madaxdii Soomaaliya ka dib markii dowladii jirtay ay noqotay Dowlad Hawiye.

Waxaa is weydiin leh Hawiyonimo ama Daaroodnimo Soomaali ma lagu dhisi karaa? Jawaabtu waa maya, Waxaad iga rabtaan in aan idin kala qaybgalo Dagaalka Hawiye ee aad kula jirtaan Soomaali inteeda kale taasna waan diiday, Waayo Hadii aan Soomaalinimo waayey meel ka hoosaysa oo aan miciin bidayo ma jirto.

Waxaan kula talinayaa Dadka reer Muqdisho in ay hantaan lana yimaadaan bisayl iyo doonis dhab ah oo saldhigeedu yahay isu dumida Qarankii Soomaaliyeed ayna ka fogaadaan Isticmaalka Erayga Hawiye oo khatar ku ah Jiritaanka Qaranimada Somaliya.

Hadii kale Muqdisho waxay la nid noqon sida Hobyo oo waxay weynaysaa Maqaamkii ay Soomaali ku lahayd, iska daaya Muqdisho waa Magaalo hawiye iska daaya ka hadalka Juba land waayo Jubaland waxaa jooga beelo Soomaaliyeed oo weliba loogu gafay Xamar.

Balanteenu waa Ilaalinta Midnimada Soomaaliya.

Dr Cali Maxamed Geedi.
Former Somali Prime Minster.
Nairobi Kenya.
Sent from my BlackBerry® smartphone from du

FG. Halkan Guji Kana Akhriso Qoraalka Uu Ka Soo Jawaabay Cali Maxamed Geedi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com