Wararki Ugu Dambeeyay Shirka Addis Ababa Ee Dowladda Soomaaliya Iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

topnews4Addis Ababa (AGGM): Waxaa maanta ka furmay magaalada Adddis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya shir uga furmay dowladda Soomaaliya iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay sheegayaa shirkii maanta u furmay dowladda Soomaaliya iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni kulankiisi ugu horeeyay inuu fashil ku dhamaaday.

Kulanka maanta in uu fashilmo ayaa waxaa sabab u ahayd kadib marki Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay ku bilaabeen wadahadalka “Waa In Dowladda Soomaaliya Aqoonsataa Waxii Ka Soo Baxay Shirarki ka dhacay magaalada Kismaayo” taa oo ay ergada dowladda Soomaaliya uga jawaabeen “haddaan aqoonsaneyno waxii ka soo baxay shirarki Kismaayo ka dhacay halkaan maynaan wada fadhineen ee waxaanu idiinku imaan laheeyn Kismaayo oo halkaas ayaan ku aqoonsan lahayn” muran iyo dood dheer ka dib  waxaa leeysla gartay in arrintaas gudi loo saaro.

Isku soo wada duuboo waxaa dib loo balamay in uu shirka u furmo marka ay saacadu tahay 15.00 (Sadexda Galabnimo) ee waqtiga Addis Ababa.

Waxii kasoo kordha warkan oo ku saleysan xaqiiqda kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com