Tababar Loo Furey Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

0

african-union-logo2Muqdisho(AGGM) Midowga Africa ayaa sheegay in ku dhawaad 40 saraakiil ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya ay tababar la xiriira dhowrista xuquuda Aadanaha uga fureen magaalada Kambaala ee xaruunta dalka Uganda.

Tababarkan ayaa Kambala loogu furay ilaa 40 saraakiil ah oo ka kala socotay laamaha amniga dowlada Fedraalka Soomaaliya, kuwaas oo qaadanaya tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda Aadanaha.

Saraakiishan ayaa mudada uu socdo tababarka waxa ay ka faa’iideysan downaan macuumaad la xiriira habka dhowrista xuquuqda aadanaha, si meesha looga saaro tacadiyada iyo xadgudubyada ka dhank ah xuquuqda Aadanaha xilliyada ay ciidamadu howlgalka ku jiraan.

Tababarkan ayaa loo arkaa inuu wax weyn ka tari doono arinta ku saabsan dhowrista xuquuqda aadanaha maadaama ay casharo ka bixinayaan khubaro ku xeeldheer dhinaca xuquuqda aadana, waxaana tababarkan soo qabanqaabiyay Midowga Africa.

Ugu dambeyntii Tababarkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dawlada federaalka ah iyo kuwa Amisom dhawaan lagu eedeyey inay dhibaato u geysteen haween soomaaliyeed kuwaasi oo kufsi loo geystey isla  markaasna aan wali gacanta lagu soo dhigin dadkii ka dambeeyey kufsigaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com