Dhageyso: R/wasaare Saacid "Xukuumada U Jeedkeeda Waa Xalinta Khilafaadka Dalka".

0

saacid44Muqdisho (AGGM); Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ahmiyada koowaad siin doonto xalinta khilaafaadka ka jira Soomaaliya si looga gudbo marxaladaha aadag ee Dalka ku jiro.

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlayay Wakaaladaha Wararka Caalamiga ah ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya u soo jeesatay sidii Dalka looga saari lahaa dhibaatooyinka ragaadiyay.

Waxa uu sheegay in ay jiraan fikira kala duwan ay qabaan siyaasiin Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed hayeeshee ay ku dadaalayaan sidii fikiradaa loo midayn lahaa si looga gudbo caqabadaha jira.

Mr. Saacid ayaa xili uu ka hadlayay arrimaha ugu Xoogan ee Jubooyinka waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya in aysan waxba diidanayn laakiin ujeedka yahay in la helo Maamul dadka deegaanka rabitaankooda ku yimaada raalina laga wada yahay waafaqsana dastuurka.

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya mar kasta ujeedkeeda uu yahay xalinta khilafaadka laakiin uusan ahayn in xoog wax u adeegsato .

Saacid ayaa tilmaamay in looga baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed in Dowladooda la shaqeeyaan si looga gudbo dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya uu sheegay in dagaalo ka daalay muda 22 sano ka badan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_024.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com