Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Nin Dhalinyaro Ah Ku Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in galabta ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka magaalada dagan ay dileen.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in ay wiilkan dhalinyarada ah oo aan la shaacin magaciisa ay ku dileen suuq Yaasin ee Xaafada Farjano magaalada Kismaayo.

Dadka dagan xaafada Farjano gaar ahaan nawaaxiga suuq Yaasin ayaa waxa ay sheegayaan ilaa hadda in aan la ogeeyn sababta ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni u dileen wiilkan dhalinyarada ah, waxay kaloo sheegeen in marqura ay dhawaqa rasaasta la dhacayay wiilka  maqleen.

Waxaa soo laalaabtay oo kamid noqday nolol maalmeedka tacadiyada ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni u geeystaan shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale xabsiga magaalada Kismaayo ayaa waxaa buux dhaafiyay dhalinyarada deegaanka ee u xiran sabab la’aanta.

Isku soo wada duubo waxaan la ogeeyn amaba leeys weeydiinayaa imisa ayay shacabku u adkeesan doonaan tacdiyada ay u geeysanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskmbooni oo aad hadda moodo inay aad ulla dhacsan yihiin tacadiyada ay ka geesanayaan gudaha magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com