Daawo Sawiro: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xariga Ka Jaray Dugsiga Farsamada Gacanta.

0

IMG_02461Mudisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga farsamada iyo tababarka Soomaaliyeed kaasi oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dugsigan ayaa waxaa iska kaashaday dhismihiisa dowladda Denmark iyo Midowga Afrika waxaana ku baxday lacag gaareysa $147,600 dollar (Boqol afartan iyo todobo kun iyo Lix boqol dollar).

Munaasabada xariga looga jarayay dugsigan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa AMISOM Mohamed Salah Anadif iyo xubno kale oo dowlada Soomaaliya ka socda.

Madaxweynaha JF Soomaaliya oo hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka dugsigan ayaa sheegay in dowladiisa ay ku faraxsan tahay dhismaha dugsigaan cusub waxana uu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan.

Wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya ahna madaxa AMISOM Mohamet Salah Anadif ayaa halkaasi ka sheegay in AMISOM iyo Denmarka ay iska kaashadeen furitaanka dugsigaan dhalin badan oo Soomaaliyeedna ay ka faa’iideesan doonaan.

Dugsigan cusub ee tababarka farsamada Soomaaliyeed ayaa ah kii ugu horeeyey ee noocisa oo kale ah oo laga hirgeliyo magaalada Muqdisho waxaana dhismihiisu uu yahay mid casri ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

IMG_02461IMG_0142IMG_0150IMG_0236