Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Xiray Xubno Ka Tirsan Jaamacada Soomaaliya Muqdisho.

0

Boolis1Muqdisho (AGGM): Warar saaka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliiska Dowladda Soomaaliya Xabsiga dhigeen Macalimiin iyo Xubna ka tirsan Maamulka Jmaacada Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidama Booliis ah oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa saakay aroortii tagay Xarunta Jaamacada waxaana la sheegay in xarunta CID gayeen macalimiin jaamacada dhigayay iyo sedax xubnood oo Maamulka ka irsanaa.

Xariga Macalimiinta iyo howlwadeenada Jaamacada ayaa lala xiriiriyay weerar shalay lagu qaaday Hawaynay ka soo jeeda Dalka Sweden oo qudbad ka jeedisay kulan ka dhacay Jaamacada .

Booliiska ayaa baaraya waxyaabaha weerarkaan keenay waxaana su,aalo la waydiinayaa Maamulka Jaamacada oo casuumaad u fidiyay Hawaynaydaa oo ka tirsan Xisbiga Garbka bidix ee Dalka Sweden .

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jaamacaad Soomaaaliya waxana ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan eedaymahaa loo soo jeediyay iyo baaritaanadaa ku socda in ay ka hadlaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com