War Deg Deg Ah: Dowladda Soomaaliya Ma Aysan Aqoonsan Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, Mana Jiraan Ilaa Hadda Wax Wadahadal Ah Oo Dhacay.

0

deg-deg-muhiim19Addis Ababa (AGGM): Wararka naga soo gaaraya hadda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan inaysan jirin cid taageertay amaba aqoonsatay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee sheegta inay yihiin maamulka Jubbaland.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo daqiiqado ka hor xiriir la sameeysay mas’uuliyiin ku sugan gudaha magaalada Addis Ababa oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno kamid ah ergada dowladda Soomaaliya  ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in uu dhicin wax kulan ah oo dhexmaray ergada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni marka laga reebo kulanki casho ee uu xalay u  qabtay Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ergada.

Kulanki casho ee uu xalay u qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ergooyinka dowladda iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa looga gol lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay fahmaan in Madaxweynuhu uu ummada Soomaaliyeed oo dhan Madaxweyne u yahay ee uusan dad gaar ah u ahayn Madaxweyne.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa wararka sheegaya in la aqoonsaday Axmed Madoobe ee ay maanta daabaceen qaar kamid ah shabakadaha Soomaalida in ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin oo lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ma aysan aqoonsan mana aysan tageerin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee sheegta inay yihiin maamulka Jubbaland, warkaana cidii daabacday iyaga ayuu gaar u yahay.

Isku soo wada duuboo waxaa lagu wadaa in kulan ay sheeyaan Ergada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni maalmaha fooda inagu soo haya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com