Raisalwasare Saacid Oo Warbixin Ka Dhageystey Guddi Uu Dhawaan U Magacabay Xadgudubyada

0

shirdoonMuqdisho(AGGM) Kulankan ayaa lagu soo bandhigayey xaqiiqda guddi madax banaan oo uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya u saaray baarista dhacdooyinka xadgudubka ku ah xuquuqda aadanaha, waxaana ka soo qeyb, kulanka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Baarlamaanka, Taliyaha ciidammada Booliska, Ururrada bulshada rayidka.

Kulanka qeybtiisa hore waxaa hadalo kooban ka jeediyey Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka horumarinta adeegga bulshada, oo sheegay in muhiimadda ugu weyn ay tahay sidii xal loogu heli lahaa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Saciid oo inta aan loo magcaabay taliyaha ciidanka ka mid ahaa xubnaha guddiga oo ku hadlayey magaca guddiga dabagalka xadgudubyada Xaquuqul Insaanka ayaa faah faahin ka bixiyey, waxayaabihii u qabsoommay mudadii ay baaritaannada wadeen.

Xubno kale oo guddiga ka tirsan ayaa iyana soo bandhigay War-bixinno muhiim ah oo si gaar ah u taabanaya sababaha keena dilalka Wariyeyaasha, dadka caadiga ah, kufsiga iyo dhammaan waxyaabaha xadgudubka  ku ah xoriyatul qowlka, waxaana Ra’isiul wasaaraha la guddoon siiyey labo buug oo laga diyaariyey baaritaannada oo xog dhammeystiran ay ku jirto.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhacdooyinka tirada badan ee guddiga oo soo bandhigay ay  aad uga xunyihiin, islamarkaana talooyinka uu gudiga soo jeediyey sida loogu talagalay ay u dhaqan gelin doonaan.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo khubad dheer kulanka ka jeediyey ayaa tibaaxay in siyaasadda xukuuamadda ee ku aaddan horumarinta ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay mid ka go’an sidii loo dhaqan gelin lahaa, islamarkaana daruufaha jira loo dhabar adeeggayo.

ugu dambeyntii hadalka Ra’iisul wasaaraha oo aad u dheeraa ayuu umadda Soomaaliyeed ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sidii loo dhaqan gelin lahaa dhammaan go’aannada ay Xukuumadda gaartay, si loo badbaadiyo xuquuqul insaanka.

War-bixinta guddiga baarista xadgudyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee soo bandhigay ururrinta xogtii mudada ay raadinayeen ayaa la sheegay in uu yahay guddiigii ugu horeeyey ee noocaasa muddo 24-sanno Soomaaliya aan laga dhisan, iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu ballan qaaday in ka hor tag lagu sameen doono xadgudubyada, islamarkaana talooyinka loo soo jeediyey lagu howlgali doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com