Maamulka Degmada Balanbal Oo Heshiisiin Ka Dhex Wada Laba Beelood

0

Gudoomiyaha-gobolka-iyo-Eng-cabiraya-xarrumaha-ladoonayo-in-ladhiso-degmada-bal-balCaabudwaaq(AGGM) Maamulka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaaday iney ku guuleysteen heshiis nabadeed oo la kala dhex dhigay beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaalamay qeybo ka mid ha degmadaasi.

Maamulka degmada Balanbal ayaa ku dhawaaqay iney ku guuleysteen xabad joojin ay dhex dhigeen laba beelood oo horraantii bishan ku dagaalamay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud, waxuuna intaa ku datay in la kala qaday maleeshiyaadkii is horfadhiyay.

Hareeri Xasan Barre gudoomiyaha degmada Balanbal ayaa warbaahinta Allgalgaduud u sheeegay in maamulkooda ay gacan weyn ka geysteen heshiisiinta labadaasi beelood oo dhawaan ku dagaalamay qeybo ka mid ah degmadaasi.

Gudoomiyaha Balalnbal oo hadalkiisa sii wata ayaa u mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka oo uu sheegay in ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen dhameynta colaadaasi, isagoo ugu hambalyeeyay waxgaradka labada beelood sida ay u qaateen nabadda.

Hadalka maamulka Balanbal ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka socdeen degmadaasi kulamo isdabajoog ah oo lagu dhameynayo colaadaasi islamarkaana xal looga gaarayay khilaafkii dhaliyay gacan ka hadalka dhexmaray labadaasi beelood.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com