Ciidamo Ka Wada Tirsan Jabhada Raaskambooni Oo Ku Dagaalamay Kismaayo Xalay

0

976A8A0C-19F1-45E5-88B1-5006F23D35EB_mw1024_n_sKismaayo(AGGM) Shacabka Magaalada Kismaayo ayaa walaac ka muujinaya xaalada Magaalada Kismaayo xilli ay amaan darro baahsan soo foodsaartey shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo,waxaa xalay gudaha Magaalada Kismaayo ka dhacay dagaal aad u culus kaasi oo dhexmarey Ciidamada Jabhadda Raaskambooni ciidamo ka wada tirsan.

Xaafadaha ugu daran ee xalay saqdii dhexe dagaalkani ka dhacay ayaa ah Xaafadda Farjano halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamo ka wada tirsan Jabhadda Raaskambooni,waxaana dagaalkaasi xalay ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan ciidamada Jabhadda Raaskambooni iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 askari oo kale.

Dagaalkan ayaa la sheegay inaan la aqoonsan ujeedadiisa balse waxaa la sheegaya in ciidamada halkaasi ku dagaalamay isku dagaaleen dhaqaale ay ka dhaceen dukaanka ku yaala xaafadaasi,waxaana la sheegaya in muranka ka dhashay dhaca ay geysteen uu sababaay inay ku dagaalamaan gudaha xaafadaasi mudo ka badan 4 saacadood oo xiriri ah.

Labada dhinac ee dagaalku dhexmaray isla markasna ka wada tirsan Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegaya inay isu adeegsadeen rasasta ka dhacda qoryaha fudud,waxaana shacabku sheegeen in saaka dhaawaca iyo dhimashada askartaasi laga qaaday meesha isla markaasna kuwa dhaawaca ah loo qaaday isbitaal ciidamada Amisom ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii xaaladan ayaa ah mid degan walow shacabku ka cabanayaan dhibaatada ay ku hayaan ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee ku sugan Magaalada Kismaayo iyagoo inta badan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo u geysta dhac iyo dil foox xun. Ma jiraan wax wara oo ka soo baxay horjoogayaasha Jabhada Raaskambooni kuna aadan dagaalkaasi xalay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com