Dhageyso+Sawiro: Haweenay U Dhalatey Sweden Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

0

IMG_8763Muqdisho(AGGM)Magaalada Muqdisho waxaa hadda lagu toogtey laba ruux oo mid ka ahi ahaa haweenay u dhalatey Wadanka Sweden iyo Nin Soomaali ah oo la sheegay inuu ahaa ilaaladeeda & Nin Askari ahaa,waxaana la sheegaya in ninka soomaaliga uu geeriyooday kaasi oo la sheegay inuu markiisi hore ka yimid wadanka Sweden.

Haweeneydan iyo ninka la socday ayaa la sheegaya inay ka yimaadeen Wadanka Sweden waxaana ay u socdeen inay Jaamacada Muqdisho gaar ahaan qaybteeda degmada Hodan wax badan ku soo kordhiyaan.

Kooxda dilkan fulisay ayaa la sheegayaa inay ka tirsanayeen Jabhadda Alshabaab isla markaasna ka baxsadeen meeshii dilku ka dhacay,waxaana la xaqiijinaya in ciidamada Amaanka Magalaada Muqdisho ku daba jiraan kooxda dilka fulisay.

Ugu dambeyntii dhaawaca haweeneydan ayaa loola cararay isbitaalka ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayo,waxaana la sheegaya in xaaladeeda caafimaad tahay mid halis ah iyadoo aan la aqoon sababaha ka dambeeya in la bartimaameedsado.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/Arday-ka-mid-ah-jaamacada-Soomaaliya-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_8760IMG_8761IMG_8762IMG_8763IMG_8764