Xog Lahelay: Marwada Madaxweynaha Puntland Oo Safar Qarsoodi Ah Ku Timi Hargeysa Iyo Wasiiro Maamulka Somaliland Oo Ay La Kulantay!.

0

xaaska farooleHargeisa-(Xigasho Qaran-news): Marwada koowaad ee Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaan safar qarsoodi ah ama warbaahinta laga qariyey ku timi magaalada Hargeysa sida il wareedyo xogogaala oo arintaa u dhuun daloola Qarannews u sheegeen.

Marwada madaxweynaha Puntland oo ay safarkeeda ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan is-maamul goboleedka Puntland ayaa kulamo xasaasiya la yeelatey wasiirka maaliyada Somaliland Sheekh Cabdicasiis Samaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha xukumada Siilanyo, Balse weli may soo bixin xogo ku saabsan inay madaxweyne Siilanyo is arkeen iyo in kale inkastoo la sheegay inay fariintii ay siday gaadhey.

Marwada koowaad ee Puntland iyo masuuliyiinta safarkeeda ku wehelinaayey ayaa sida tibaaxo Qarannews heshay sheegayaan u socotay laba arimood oo mid hore tahay in Somaliland kala hadasho,kuna dhiirigeliso inay dib u celiso Markab siday Raahsin deeqa oo ka yimi Muqdisho,loona wado Degaano ka tirsan Puntland iyo khaatumo oo hore dawlada Puntland u diiday in laga dejiyo Dekeda Boosaaso .

Deeqdan oo Hayada laanqeyrta cas ee Turkigu bixisay ayaa dowlada Somaliya u qoondeeysay degaano ka tirsan ismaamul goboleedka Puntland oo baahi cunto ka jirto, hase yeeshee ismaamul goboleedka puntland ayaa siyaasadeeyay Raashinkaa, dibna u celiyey.

Arinta labaad ee la sheegay inay marwadu kala hadashay wasiirka maaliyada Sheekh cabdicasiis Samaale iyo masuuliyiintii kale ee ay la kulantay ayaa la sheegay inuu ku saabsanaa sidii Somaliland iyo Puntland isaga kaashan lahaayeen , meelna uga soo wadajeeswan lahaayeen Dawlada federaalka ah ee Somaliya oo beryahan danbe Deeradu dhexmiranyso maamul goboleedka puntland oo xurguf siyaasadeed soo kala dhex gashay.

Isku soo wada duuboo qadiyadan marwadu wadey oo la sheegay inay Qasriga madaxtooyada Somaliland gaadhay ayaan la ogeyn waxa xukumada Siilanyo ka yeeli doonto inkastoo la sheegay in Markabkii deeqda siday ku xidhan yahay Dekeda Berbera, lana filaayo inla dejiyo maalmaha soo socda.Geesta kale arinta labaad ee marwadu kula soo galgalatey Somaliland ee ku saabsan inay dhinac uga soo wada jeestaan ama iska kaashadaan Dawlada Federaalka Somaliya ayaa haddii xukumada Somaliland aqbasho u eeg mid wax u dhimaysa xidhiidhka wadahadaladii u socday Somaliland iyo somaliya oo dhawaan la filaayo in wareeg kale oo cusubi ka bilaabmo Dalka Turkiga.

Xigasho Guji: Qarannews.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com