Magaalada Qardho Oo Laga Cabanayo Biyo Yaraan Baahsan.

0

qardho biyo laaanQardho (AGGM): Maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa ka deyrinaya xaalad adag oo biyo yari ah oo in dhowaaleba ka jirtay halkaas.

Guddoomiyaha degmada Qardho, Maxamed Siciid Ciise oo Warbaahinta la hadlayay maanta ayaa sheegay in kaliya saddex ceel biyood ay haatan ka shaqeynayaan magaalada, iyadoo magaalada horey u lahaan jirtay toddobo ceel biyood.

Maxamed wuxuu sheegay in maamulka uu wado qorshayaal lagu kordhinayo biyaha ay magaaladu hesho, wuxuuna sheegay inuusan maamulku oggolaan karin inay qaalliyoobaan biyaha.

Dadka shacabka ah ee dan yarta ah ayaa ka walaacsan biyo yarida soo food saartay oo ay sheegeen inay dhibaato ku tahay.

Magaalada Qardho hadda waxay ku jirtaa xilli abaar ay ka jirto deegaannada ku hareereysan walow uu maamulku wado dadaallo uu wax uga qabanayo biyo yaraanta deegaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com