20 Agust Sanad kasta waxa dunida looga dabaal degaa maalinta kaneecada aduunka oo loo asteeyay maanta oo kale oo dunida oo dhan laga xusayo.
Maalintaa ayaa loo aqoonsaday sanadii 1897 xiligaa oo dhaqtar ka soo jeeda Dalka Uk oo la yiraahdo Sir Ronald Ross ogaaday in dhiidhigga kaneecada uu gudbiyo Cudurka Duumada oo smayay Boqolaal qof.
Goobaha ugu badan ee Cudurkaan Duumada laga helo ayaa noqtay dalalka ku yaal Wadamada Saxarada ka hooseeya ee qaaradda Africa halka oo la sheegay in dad badan Cudurkaa duumada soo ritay qaarna u dhinteen.
Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah Goobaha Cudurkaan duumada ee ka dhasha kaneecada samaynta wayn ku yeeshay waxaana sanad kasta uu soo ritaa boqolaal dad ah oo iskugu jira Caruur iyo dad da,a ah kuwaas u geeriyooda.
Dhaqaatiirta aduunka ayaa sheegay in Cudurkaa duumada uu fara kulul ku hayo aduunka waxa uuna sababaa sanad kasta in ay u dhintaan in ka badan 6,740 oo ruux kuwaas oo gooba kala duwan ku dilo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com